Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso 7 xiddig oo ka mid ah kooxda 1-aad si ayna u jabin xeerka dhaqaale wanaaga.
Kooxda heysata horyaalka LaLiga ayaa qaab xor ah kula soo wareegtay xiddigaha Ilkay Gundogan iyo Inigo Martinez ilaa haatan suuqa suuqa xagaaga.
Halka ay 75 milyan kula soo wareegtay xidweeraryahanka Athletico Paranaense Vitor Roque.
Barca waxay u baahan tahay inay iibiso tiro ciyaartoy ah si ay u buuxiso shuruudaha FFP.
Sport ayaana sheegaysa in ilaa 7 ciyaaryahan laga yaabo inay ka tagaan kooxda reer Spain xagaagan.
Kooxda Barcelona ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Clément Lenglet, Franck Kessié, Eric García, Sergiño Dest, Alex Collado, Ferran Torres iyo Ansu Fati.

Related



Source link