Alan Smith ayaa filaya in ay Man United soo yarayso farqiga ay ka dambayso Man City xilli ciyaareedka soo socda laakiin waxa uu shaki galiyay in ay ku tartami karto horyaalka premier League.
Red Devils ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad xilli ciyaareedkii hore iyada oo Erik Ten Hag kooxda hogaamiyay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Man United.
Weeraryahankii hore ee Arsenal Smith ayaa aaminsan in United ay sii wadi doonto horumarkeeda inta uu hogaaminayo Ten Hag laakiin waxa uu shaki ka qabaa in ay awood u yeelan doonto in ay u tartanto horyaalka gaar ahaan hadii ay ku fashilmaan saxiixa weeraryahan cusub xagaagan.
“Waxaan u maleynayaa in Manchester United ay soo afjari karto farqiga u dhexeeya kooxda ay isku magaalada yihiin Laakiin kuma tartami karaan horyaalka premier League”ayuu Smith yidhi.
“Waxa ay u baahanyihiin weeraryahan, hadii ay helaan weeraryahan heer sare ah waxa uu samayn karaa farqi weyn”.
“Waa in ay raadiyaan in ay ku dhamaystaan kaalinta 4-aad ee kala saraynta isla markaas door weyn ka ciyaaraan tartanka horyaalka”.
Sii Akhriso: Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo U Gogol Xaadhaya Soo Saarista Jawdalka Doorashooyinka La Qaban Doono, Maxay Sameeyeen?

Related



Source link