Xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice ayaa macasalaameeyay Taageerayaasha kooxdiisa West Ham xilli uu ku dhawyahay in uu ku biiro kooxda Arsenal.
Arsenal iyo West Ham ayaa ka heshiiyay qiimaha xiddiga reer England dhamaadkii bishii Hore laakiin wali kuma dhawaaqin heshiiska sabab la xidhiidha warqado ka dhimanaa heshiiska.
Laakiin Arsenal ayaa u muuqata kuwo isku diyaarinaya in ay ku dhawaaqdo heshiiska xiddiga khadka dhexe kana dhigto saxiixeedii 3-aad ee suuqa xagaaga.
Havertz ayaa u muuqda mid macasalaameeyay taageerayaasha kooxda Arsenal isla markaas xaqiijiyay in uu ku wajahanyahay kooxda Arsenal.
“Ma rumaysan karo in 10 sano oo cajiib ah ay soo dhamaanayso, West Ham waxa ay qayb weyn ka ahayd noloshayda, garoonka dhexdiisa iyo dibadiisa, in aan idin macasalaameeyo ma ahan arin fudud”ayuu ku qoray Instagram-ka.
“Waxa aan soo qaatay wakhtiyo aad u sareeya iyo wakhtiyo aad u hooseeya, sidoo kale waxa aan noqday qof koray ciyaartoy ahaan iyo kabtan ahaanba”.
“Xidhiidhka aan la leeyahay taageerayaasha ayaa wax walba u ah aniga iyo qoyskayga, waxa aad iila dhaqanteen mid idinka oo kale ah tan ilaa maalintii aan imid, Mahadsanidin”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Fariin U Diray Masuuliyiinta Loo Haysto Musuq-Maasuqa

Related



Source link