Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay Lambarka Uu Declan Rice u qaadan doono kooxda kadib markii uu dhamaystiray ku biiristiisa kooxda.
Rice ayaa lacag rikoodh ah ugu biiray Arsenal waxana uu noqday saxiixii 3-aad ee ay samayso Arsenal suuqa xagaaga.
Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u shaacisay in uu Rice kooxda u xidhan doono No.41 wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.
Lambarka No.41 ayaa ah Lambarka uu Rice horay uga xidhan jiray kooxda West Ham markii uu joogay.
Xiddiga reer England ayaa sii wadi doona in uu Lambarka No.41 u sii qaato kooxdiisa cusub ee Arsenal.
Related