Kooxda Arsenal ayaa suuqa galisay lacag badan sida kooxaha waaweyn ee kale laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay u tartamaan koobabka.
Laakiin xagaagii hore ayay Arsenal suuqa galisay lacag badan waxana ay keentay in ay u tartanto koobka Premier League xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato tartanka horyaalka waxana ay suuqa galinaysaa lacag aad u badan suuqa xagaagan.
Waxa ay Rice ka dhigtay saxiixeeda ugu qaalisan suuqa kala iibsiga iyaga oo ka bixiyay lacag badan.
Hadaba kadib saxiixa Havertz waxa la soo saaray 10-ka saxiix ee ugu qaalisan taariikhda Arsenal suuqa kala iibsiga.
1.Declan Rice 105 (from West, 2023):
Kooxda Arsenal ayaa Rice ka dhigtay saxiixeeda ugu qaalisan taariikhdeeda suuqa kala iibsiga kadib markii ay dhamaystireen heshiiska.
Arsenal ayaa Rice ka soo bixisay lacag dhan 100 milyan oo euro iyo 5 milyan oo Guno ah iyaga oo ka dhigay saxiixooda ugu qaalisan.
2.Nicolas Pepe – £72m (from Lille, 2019):
Arsenal ayaa Pepe ku bilowday in ay baanka u jabiso suuqa waxana ay ka bixisay lacag aad u badan laakiin waxa uu ku fashilmay in uu muujiyo in uu u qalmo lacagta laga bixiyay.
3.Kai Havertz – £65m (from Chelsea, 2023)
Xiddiga reer Germany ayaa kooxda Arenal ugu biiray lacag dhan 65 milyan waxana ay kooxdu xalay ku dhawaaqday saxiixiisa waxana uu noqday saxiixii 2-aad ee ugu qaalisan taariikhda Arsenal.
4.Pierre-Emerick Aubameyang – £57.4m (from Dortmund, 2018)
5.Ben White – £50m (from Brighton, 2021)
6.Alexandre Lacazette – £47.7m (from Lyon, 2017)
7.Gabriel Jesus – £45m (from Manchester City, 2022)
8.Thomas Partey – £45m (from Atletico Madrid, 2020)
9.Mesut Ozil – £42.3m (from Real Madrid, 2013)
10.Granit Xhaka – £40.5m (from Monchengladbach, 2016)
Sii Akhriso: Somaliland Oo Ka Jawaabtay Warkii Ay Ha’yadda Caafimaadka Adduunku Ka Soo Saartay Lasacaanood.
Related