Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu Jordan Henderson u sheegay in uuna daqiiqado badan ciyaari doonin xilli ciyaareedka dambe xilli uu xiddigu dalab ka helay horyaalka sucuudiga.
Xiddiga khadka dhexe ee Henderson ayaa dalab ka helay kooxda Al-Ettifaq waxana uu xiddigu aqbalay in uu u dhaqaaqo kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Xiddiga ayaa Klopp u sheegay dalabka uu ka helay kooxda ka ciyaarta horyaalka sucuudiga taas oo keentay in uu Klopp u sheego xiddiga in uuna hor istaagi doonin hadii uu doonayo in uu boxo.
Henderson ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Al-Ettifaq isaga oo doonaya in uu Steven Gerrard kula midoobo kooxda reer Sucuudi.
Liverpool iyo Al-Ettifaq ayaa haatan ka wadahadlaya qiimaha ay kaga heshiinayaan xiddiga reer England si ay u dhamaystiraan saxiixa xiddiga khadka dhexe.
Sii Akhriso: XASAASI: Masuuliyiin U Dhaw Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Lagu Haystay Musuq-maasuq Oo Jeelka Laga Sii Dayay, Sabab.

Related



Source link