Kooxda Man United ayaa difaacday Mason Mount kadib markii la helay muuqaal muujinaya isaga oo taageerayaasha Man United u diidan in uu siiyo saxiixiisa.
Mount oo chelsea ugu soo biiray 60 milyan oo euro todobaadkii hore ayaa dhawaan kooxda u ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay guushii ay ka gaadheen Leeds.
Taageerayaasha man United ayaa si weyn ugu farxay saxiixda xiddiga waxana jirtay taageerayaal badan oo waydiistay saxiixiisa iyaga oo soo qaatay maaliyadiisa kooxda.
Laakiin waxa la helay muuqaal xiddiga oo diidan in uu taageere u saxiixo maaliyada kooxda kuna leh “Anigu ma saxiixayo taas, ka hor inta uuna raali galin ka bixin, 3-dii maalin ee ugu dmabaysya waxba ma saxiixin ma garanayo sababta aad u soo laabanaysaan”.
United ayaa hadda war ka soo saartay arrintan,iyaga oo difaacday ciyaaryahankeeda,waxana ay kooxda ku eedaysay muuqaalkan ay soo duubeen dad ujeedo kale le”.
“Nasiib darro xaaladdan oo kale waxay noqotay mid aad u badan. Waa waxa ugu dambeeya ee Mason uu u qalmo ka dib markii uu saaxiib la noqday qof kasta oo uu la kulmay tan iyo markii uu ku soo biiray United, “ayaa lagu yiri bayaanka.
“Dad leh ujeedo kale leh ayaa daba dhigtay xiddigaha Man United iyaga oo doonaya in ay ka saxiixdaan waxyaabo badan”.
Related