Kai Havertz ayaa ka hadlay kulankii ugu horeeyay ee uu u ciyaaray kooxdiisa cusub kulankii Nurnberg ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Gunners ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Nurnberg iyada oo uu Bukayo Saka dhaliyay goolka kaliya ee ay Arsenal dhalisay.
Havertz ayaa qaybta dambe ee ciyaarta waxana uu ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho ciyaarta markii uu soo galay ciyaarta.
Markii la waydiiyay sida uu dareemayo Havertz ayaa yidhi”Aad ayaan u faraxsanahay, aniga ahaan Arsenal waa koox weyn, in aan halkan ka ciyaaro waa riyo run ii noqotay”.
“Halkan waxan joogay 4 maalin waxana aan haatanba dareemayaa in si fiican la ii soo dhaweeyay”.
“Waxa laga yaabaa in ay todobaadyo igu qaadato in aan la qabsado kooxda taasi way cadahay”.

Related



Source link