Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Jurrien Timber kaas oo ay kooxda reer Netherlands kala heshiisay saxiixa xiddiga.
Arsenal ayaa todobaadkii hore ajax kala heshiisay saxiixa xiddiga Jurrien Timber kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso daafaceeda xilli ciyaareedka dambe.
Laakiin Arsenal ayaan wali ku dhawaaqin saxiixa Jurrien Timber inkasta oo uu xiddigu tijaabada caafimaadka ku baasay todobaadkan.
Walaalka la dhashay Jurrien Timber ayaa xitaa si maldahan ugu dhawaaqay heshiiska xiddiga Jurrien Timber laakiin Gunners ayaan wali si Rasmi ah ugu dhawaaqin saxiixa xiddiga.
Wargayksa Mirror ayaa sheegaya in ay jirto dhibaato yar oo dib u dhigaysa ku dhawaaqista heshiiska Jurrien Timber taas oo la macno ah in uuna Jurrien Timber wali tababarka kula biirin Gunners.
Xiddiga Jurrien Timber ayaa seegi doona kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto Fc Nurmberg kaas oo dhici doona todobaadkan.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo La Wareegtay Saldhig Ay Ciiamada Nabad Ilaalintu Ku Wareejiyeen Ciidamada Somaliya.
Related