Isku aadka rasmiga ah ee Isreeb-reebka Hordhaca ah ee Koobka Adduunka ee FIFA 2026 maanta lagu qaban doonaa dalka Cote d’Ivoire.
Isku aadka waxa ka qayb gali doona dhamaan xulalka ka tirsan qaarada Africa iyada oo loo qaybin doono 9 Gorup.
Kooxaha badiya Group kasta ayaa si toos ah u aadi doona koobka adduunka lagu qaban doono dalalka Canada, USA iyo Mexico.
Iyada oo la kordhiyay xulalka ka qayb gali doona koobka adduunka lagana dhigay 48 xul halkii ay markii hore ka ahaayeen 32 ayaa fursad u ah wadamada Africa in ay boosas kale ku yeeshaan koobka adduunka.
Xulka Somaliya ayaa markii ugu horaysay taariikhda ka qayb gali doona isku aadka iyaga oo ku jira Pot 6.
Halkan Hoose kaga bogo isku Xulalka maanta ka qayb gali doona isku aadka:
Pot One: Morocco, Senegal, Tunisia, Algeria, Egypt, Nigeria, Cameroon, Mali, Côte d’Ivoire
Pot Two: Burkina Faso, Ghana, South Africa, Cabo Verde, Congo DR, Guinea, Zambia, Gabon, Equatorial Guinea
Pot Three: Uganda, Benin, Mauritania, Kenya, Congo, Madagascar, Guinea-Bissau, Namibia, Angola
Pot Four: Mozambique, The Gambia, Sierra Leone, Togo, Tanzania, Zimbabwe, Central African Republic, Malawi, Libya
Pot Five: Niger, Comoros, Sudan, Rwanda, Burundi, Ethiopia, Eswatini, Botswana, Liberia
Pot Six: Lesotho, South Sudan, Mauritius, Chad, São Tomé and Príncipe, Djibouti, Seychelles, Eritrea, Somalia.
Sii Akhriso: Ciidamada Somaliya Ee Gaarka u Tababaran Oo Dilay 17 Ka Tirsan Al-Shabab.
Related