Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in xiddiga Darwin Nunez Kooxda u xidhan doono Lambar cusub xilli ciyaareedka cusub.
Reds ayaa xaqiijisay in uu Nunez dhaxli doono Lambarka No.9 oo uu u xidhan doono kooxda xilli ciyaareedka cusub.
Weeraryahanka ayaa doortay in uu xidho Lambarka kadib markii uu banaanaaday oo uu baneeyay xiddiga Roberto Firmino oo ka tagay kooxda xagaagan.
Nunez ayaa markii hore kooxda u xidhan jiran No.27 laakiin haatan waxa uu qaadan doonaa Lambarka No.9 xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga Nunez ayaa xilli ciyaareedkii hore kooxda u dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan halka uu caawiye ka noqday 3 kalen.
Related