Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Jorginho ayaa ka jawaabay su’aal baraha bulshada lagu waydiiyay o ku saabsan xiddigaha Declan Rice iyo Jurrien Timber.
Labada xiddig ee Rice iyo Timber ayaa ku dhaw in ay noqdaan xiddigo Arsenal ah kadib markii ay kooxdu heshiis la gaadhay kooxaha Ajax iyo West Ham.
Laakiin taageerayaasha Arsenal ayaa sugi la’a inta lagu dhawaaqayo heshiiska labada xiddig kuwaas oo dib uga dhacay wakhtigii la filayay.
Taageere Arsenal ayaa xiddiga Jorginho si toos ah u waydiiyay in uu wax ka ogyahay wakhtiga lagu dhawaaqayo saxiixa xiddigaha Declan Rice iyo Jurrien Timber.
Taageeraha Arsenal oo baraha bulshada ku waydiiyay Jorginho su’aasha ayaa yidhi”Jorginho goorma ayaa lagu dhawaaqayaa heshiiska Timber iyo Rice”.
Jorginho ayaa ku jawaabay” Waa su’aal fiican laakiin wax fikirad ah kama hayo”isaga oo raaciyay calaamado muujinaya qosol.
Sii Akhriso: Ciidamada Somaliya Ee Gaarka u Tababaran Oo Dilay 17 Ka Tirsan Al-Shabab.
Related