Kooxda Barcelona ayaa xiddiga kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara u calaamadsatay bartilmaameed suuqa kala iibsiga xagaaga ah.
Sabab la xidhiidha xaalad dhaqaale xumo oo ay ku jirto,  Barcelona ayaa maraysa wado ay ku xoojinayaan kooxda iyaga oo aan bixin lacag badan.
Ilaa haatan waxa ay qaab xor ah kula soo wareegeen Xiddigaha Inigo Martinez & Ilkay Gundogan kuwaas oo ay heshiisyadoodu dheceen.
Sida laga soo xigtay Sport, Thiago ayaa bartilmaameed u noqday kooxda Barcelona si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe ee kooxda.
Xiddiga 32 jirka ah ayaa 97 kulan u saftay Liverpool 3-dii sano ee uu joogay laakiin waxa uu ku dhibaatooday dhaawacyo kala duwan.
Iyaga oo ka faa’iidaysanaya halka sano ee ka dhiman heshiiskiisa, Barcelona ayaa Thiago u doonaysa in ay ku xoojiso khadka dhexe.

Related



Source link