Kooxda Arsenal ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Nurnberg kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka labada kooxood.
Mikel Arteta ayaa kulanka ku soo galay laba shaxood oo fiican labadii qaybood ee ciyaarta isaga oo fursad siinaya dhamaan xiddigaha kooxdiisa.
Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta hore ee ciyaarta iyada uu Arteta kaydka ku bilaabay saxiixiisa cusub ee Havertz halka xiddigaha Jesus iyo Jorginho sidoo kale kaydka ku jireen.
Kooxda Mikel Arteta ayaa maamulaysay ciyaarta sidoo kale marar badan halis galisay kooxda Nurnberg kuwaas oo dhinacooda daafac ku jiray.
Xiddiga Bukayo Saka ayaa daqiiqadii 7-aadba hogaanka u dhiibay Arsenal kadib markii uu si qurux badan gool ugu dhaliyay ciyaartana ka dhigay 1/0.
Kooxda Nurnberg ayaa wixii intaas ka dambeyay iska caabin samaysay waxana ay si fiican ula ciyaarayeen kooxda Arsenal.
Qaybta dambe ayay Nurnberg si dar-dar leh ku bilaabatay iyada oo Arteta is badal ku sameeyay shaxdiisa soona galiyay xiddigo aan ciyaarin qaybtii hore.
Daqiiadii 62-aad ayay Nurnberg Dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Kanji Okunuki kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Nurnberg ayaa samaysay fursado badan oo ay Arsenal goolal kaga dhalin kareen iyada oo Goolhayaha Arsenal sameeyay badbaadino waaweyn.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah xilli ay Arsenal bar-baro gashay kulankeedii 2-aad kadib markii ay bar-baro la gashay Watford.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo La Wareegtay Saldhig Ay Ciiamada Nabad Ilaalintu Ku Wareejiyeen Ciidamada Somaliya.
Related