Manchester United ayaa kalsooni ku qabta inay dhameystirto heshiiska goolhayaha Inter Milan Andre Onana ka hor inta aysan kooxdu u safrin Mareykanka.
Goolhayaha reer Cameroon ayaa ah dookha 1-aad ee ay Man United doonayso in ay ku badasho David De Gea, kaasoo kooxda ka tagay usbuucii hore ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa.
Onana ayaa ka soo hoos ciyaaray Erik Ten hag muddo 3 sano ah markii uu joogay kooxda Ajax waxana uu tababaraha reer Netherlands dareensanyahay in uu yahay mid ku soo baxaya qaab ciyaareedkiisa.
Uniuted ayaa markii hore laga diiday dalab 38 milyan ah iyada oo Inter doonayso lacag dhan 51 milyan oo euro si ay u iibiso Goolhayihii hore ee Ajax.
Laakiin Sida laga soo xigtay BBC Sport, United ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta Inter si ay xal uga haadho heshiiska xiddiga.
Man United ayaa doonaysa in uu Onana ka qayb ahaado Liiska xiddigaha maalmaha soo socda u duuli doona dalka Maraykanka oo ay ku qaadan doonaan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: Garaad Jaamac: Dawlada Somaliya Ayaa Dagaalka Lasacaanood Ku Taageersan Somaliland.

Related



Source link