Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda khadka dhexe ee kooxda Juventus Paul Pogba ayaa loo soo bandhigay mushahar dhan 128 milyan oo euro si uu ugu biiro koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga (Gazzetta dello Sport).
Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa doonaya in uu ku biiro Bayern Munich kuwaas oo 2 dalab ka gudbiyay saxiixiisa (ESPN).
Kane oo uu heshiiskiisu dhacayo xagaaga dambe ayaa laga yaabaa in ay Tottenham u soo bandhigto heshiis uu todobaadkii ku qaadanayo 400 kun oo Gini toodbaadkii (Telegraph).
Madaxweynaha Napoli ayaa sheegay in kooxda PSG tahay kooxda kaliya ee la saxiixan karta xiddiga Victor Osimhen xagaaga (90min).
Kooxda chelsea ayaa diyaarinaysa dalab Rasmi ah oo ay ka gudbinayso xiddiga garabka uga ciyaara Lyon ee Rayan Cherki (ESPN).
Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa Goolhayaha kooxda Inter Milan ee Andre Onana (Sky Sport).
Kooxda Arsenal ayaa ku rajo weyn in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga Declan Rice ka hor inta ayna kooxdu u duulin USA (Sky Sport).
Kooxda PSG ayaa wadahadalo la bilowday xiddiga Dusan Vlahovic xili uu shaki ku jiro mustaqbalka Kylian Mbappe (Le Parisien).
Kooxda Arsenal ayaan wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Kylain Mbappe (Mirror).
Xiddiga khadka dhxe ee kooxda Celta Vigo ee Gabri Veiga ayaa iska diiday Tottenham si uu ugu biiro kooxda Arsenal (Le 10 Sport).
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay sugto ilaa sanadka 2024 si ay ula soo saxiixato Kylian Mbappe iyaga oo ku helay qaab xor ah (Relevo).
Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo ayaa qirtay in uuna diidi karin ku biirista kooxda chelsea (Maria Jose Flores).
Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa isaga tagi kara kooxda Suuqa xagaagan (Mirror).
Kooxda Liverpool oo doonaysa in ay xoojiso daafaca dhexe ee kooxda ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Torino ee Perr Schuurs (Football Insider).
Kooxda Barcelona ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Man City ee Joao Cancelo (Javi Miguel).
Sii Akhriso:Khasaare Ka Dashay Dab Qabsaday Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Magaalada Boosaaso.
Related