Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Mason Mount ayaa ka fal celiyay kulankiisii ugu horeeyay ee Man United.
Man United ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay Leeds United kulankii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Mount ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Man United ah isaga oo ciyaaray qaybtii hore ee ciyaarta.
Ciyaarta kadib Mount oo la hadlaya MUTV ayaa yidhi”aad ayaan u faraxsanahay in aan ciyaaro kulankaygii ugu horeey ee Man United kadib markii aan todobaad qaatay tabababr”.
“Aniga iyo tababaruhu waxa aan ka shaqayay dhawr arin markii aan soo galaynay ciyaarta waxana aan fahmay sida ay kooxdu u ciyaarto iyo waxa uu tababaruhu doonayo”.
Isaga oo ka hadlaya fursad uu gool ka dhalin gaadhay ayuu Moun yidhi”Aad ayaan ugu dhawaaday in aan dhaliyo”.
Sii Akhriso: Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay Eeda Garaad Jaamac Garaad Cali U Soo Jeediyay Kuna Saabsan Dagaalka Laasacaanood.
Related