Man United ayaa bilaabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana ay Oslo kula ciyaareen kulankii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Tababaraha Man United Ten Hag ayaa laba shaxood ku ciyaaray kulanka isaga oo qaybta hore ciyaarsiiyay xiddigo u badan kooxda 1-aad.
Shaxdii qaybta hore oo u badnayd xiddigaha kooxda 1-aad ee aan fasaxa ku maqnayn ayaa ku dhibaatooday in ay dhaafaan kooxda Leeds United oo marar badan halis galisay Goolha Red Devils.
Xiddiga Mason Mount oo daqiiqadihii gu horeeyay u ciyaaray Man United ayaa marar badan ku dhawaaday in uu dhaliyo gool ama uu hogaanka u dhiibo kooxdiisa.
Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United dhaafi wayday kooxda Leeds United.
Qaybtii dambe ayuu Erik Ten Hag is badal ku sameeyay shaxdiisa waxana uu ku soo galay xiddigo da’yar ah isgaa oo saaray dhamaan xiddigaha qaybtii hore ciyaaray.
Man United ayaa daqiiqadii 67-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Noam Emeran kaas oo hogaanka u dhiibay koodiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Xiddigaha da’yarka ah ee Man United ayaa u muuqday kuwo ka fir-fircoonaa kooxdii qaybtii hore waxana ay Leeds u diideen in ay ciyaarta madaxa kor u qaadaan.
Daqiiqadii 81-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joe Hugill kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Red Devils ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul raaxo leh ku bilabaatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: Ku Dhawaad 50 Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Hawl-gal Laga Fuliyay Jubbada Hoose, Qaarna Nolosha Ayaa Lagu Qabtay?

Related



Source link