Lyon ayaa dooneysa inay ceshato Rayan Cherki xagaagan ka dib markii ay chelsea xiiso u muujisay xiddiga 19 jirka ah sida ay wararku sheegayaan.
Chelsea ayaa haatanba xoojisay weerarkeeda iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Christopher Nkunku iyo Nicolas Jackson.
Laakiin kooxda ayaa wali suuqa ugu jirta weeraryahan kale oo cusub xilli Christian Pulisic uu qarka u saaran yahay inuu AC Milan ugu biiro heshiis 20 milyan.
Sida laga soo xigtay The Guardian, Chelsea ayaa wadahadalo la qaadatay milkiilaha Lyon John Textor si ay u helaan xiddiga Cherki inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Si kasta ha ahaatee Lyon ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga waxana ay dalban doontaa wax ka badan 50 milyan si ay u iibiso xiddiga.
Cherki oo ka soo baxay Akademiyada Lyon ayaa dhaliyay 4 gool 6 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii hore.
Sii Akhriso: Garaad Jaamac: Dawlada Somaliya Ayaa Dagaalka Lasacaanood Ku Taageersan Somaliland.
Related