Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Levi Colwill laakiin waxa ay u baahan tahay daafacu in uu dalbado bixitaanka.
Xiddiga 20 jirka ah ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Liverpool waxana ay isku diyaarinayaan in ay dalab ka gudbiyaan saxiixiisa.
Kooxda ayaa kaliya u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga hadii uu daafacu ogolaado in uu ku biro Anfield isla markaas maamulka Blues ka codsado in uu boxo.
Liverpool ayaa haatanba wadahadalo la bilowday wakiilka xiddiga waxana ay doonayaan in ay xiddiga ku qanciyaan u dhaqaaqista Anfield.
Kooxda chelsea ayaa ku adkaysanaysa in uu Colwill sii joogi doono Stamford Bridge xilli ciyaareedka dambe sidaas darteedna ayna aqbali doonin wax dalab ah oo uga yimaada Liverpool.
Sii Akhriso: Garaad Jaamac: Dawlada Somaliya Ayaa Dagaalka Lasacaanood Ku Taageersan Somaliland.

Related



Source link