Kooxda Chelsea ayaa xaraashtay xiddigaha kooxdeeda iyada oo ilaa haatan iibisay xiddigo kuwo kalena qaab xor ah ku fasaxday si ay u dhimaan xiddigaha ay haystaan.
Xiddiga Pulisic ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ka taga kooxda chelsea inta uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga isaga oo ku dhaw kooxda Ac Milan.
Tiro ahaan kooxda chelsea ayaa iska dirtay 9 xiddig oo kooxda ah tan ilaa markii uu furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo ah kooxd xiddigaha ugu badan iibisay.
Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha ilaa haatan chelsea ka tagay:
David Datro Fofana
Kai Havertz
Mateo Kovacic
Mason Mount
Christian Pulisic
Édouard Mendy
N’Golo Kante
César Azpilicueta
Ruben Loftus-Cheek
Sii Akhriso: Khasaare Ka Dashay Dab Qabsaday Xarun Ganacsi Oo Ku Taalla Magaalada Boosaaso.
Related