Xiddiga bartilmaameedka u ah Arsenal ee Declan Rice ayaa lagu arkay isaga oo tababar la qaadanaya xiddig kooxda Man United ee Bruno Fernandes.
Rice oo ku dhaw in uu lacag rikoodh ah ugu biiro Arsenal ayaa lagu arkay tababarka uu ku qaadanayo Portugal, kabtanka West Ham ayaan ka qayb ahayn kulankii ay West Ham la ciyaartay kooxda Boreham Wood.
Sawirlaha Andre Silva ayaa baraha bulshada la wadaagay sawiro tababarka oo ay ku jiraan xiddiga Man United ee Bruno Fernandes sidoo kale waxa tababarka kula jiray Rice xiddigaha Rafael Leao iy Joaa Cancelo kuwaas oo lala xidhiidhinayo Arsenal.
Ilaa haatan lama garanyo sababta ay 4-ta xiddig tababarka u wada qaadanayaan, waxa jira kooxo badan oo xiddigohooda siinaya wakhti dheeraad ah kadib markii ay ka qayb qaateen kulamadii xulalka kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal ayaa West Ham kala heshiisay saxiixa xiddiga iyaga oo bixinaya lacag dhan 105 milyan oo euro oo ay ku jirto lacago gunooyin ah.
Related