Chelsea ayaa u sheegtay Pierre-Emerick Aubameyang in uuna ka soo xaadirin tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddiga.
Kooxda chelsea ayaa iska iibisay xiddigo lacagtoodu ku kacaysao 200 milyan oo euro laakiin Pochettino ayaa doonaya in uu sii wado iibinta xiddigaha kooxdiisa.
Blues ayaa haatan wadahadalo kula inter Inter si ay u iibiso Romelu Lukaku iyaga oo ka diiday dalab furitaan ah oo dhan 23 milyan oo euro.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Chelsea ayaa u sheegtay weeraryahanka Aubameyang  in uuna soo xaadirin tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Xiddigii hore ee kooxda Arsenal ayaa ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda chelsea tan ilaa Caydhintii Thomas Tuchel waxana uu ku dhibaatooday in uu wax kulan ah u ciyaaro.
Sii Akhriso: Daawo: Qaabkii Ay U Dhacday Diyaaradii Ku Dhacday Garoonka Diyaaradaha Ee Aden Abdulle

Related



Source link