Chelsea ayaa wali isku dayaysa inay Brighton kala heshiiso saxiixa Moises Caicedo, sida uu qabo Fabrizio Romano.
Fikradda Blues ayaa ah in ay ku xidho heshiiska lacag dhan 70 milyan oo euro iyo 10 milyan oo Gunooyin ah taas oo ku kacaysa 80 milyan oo euro.
Si kastaba ha ahaatee, Brighton ayaan ku faraxsanayn qiimaha waxana ay doonayaan lacag intaas ka badan si ay u iibiyaan xiddiga khadka dhexe.
Brighton waxa ay aaminsantahay in ay heli doonto ugu yaraan £90m ama 100 milyan oo euro hadii ay iibinayso xiddiga khadka dhexe ee reer Ecuador.
Kooxda Brighton ayaa ilaa haatan diidan in ay aqbasho dalabka Blues taas oo chelsea ku adkaysanaysa saxiixa xiddiga.
Mauricio Pochettino ayaa doonaya in uu saxiixa xiddiga kooxdiisa ku haysto marka ay u safrayaan dalka USA laakiin ilaa haatan taasi uma muuqato.
Sii Akhriso: Daawo: Qaabkii Ay U Dhacday Diyaaradii Ku Dhacday Garoonka Diyaaradaha Ee Aden Abdulle

Related



Source link