Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay suuqa u galaan xoojinta kooxhooda si ay ugu diyaar garoobaan xilli ciyaareedka cusub.
Kooxaha kala duwan ayaa raadinaya xiddigo cusub oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Liverpool ayaa u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga Federico Chiesa kaliya hadii uu Mohamed Salah ka tago kooxda xagaaga (Gazzetta dello Sport).
Barcelona ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddigaha Ferran Torres kaas oo xiiso ka helaya kooxaha premier League (90min).
Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa diyaar u ah in uu kaydka fadhiyo kaydka xilli ciyaareedka dambe maadama uuna doonayn in uu ka tago kooxda xagaagan (RMC).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddigaha kooxda PSG ee Julian Alvarez & Kyle Walker (El Nacional).
Goolhayaha Kooxda Inter Milan ee Andre Onana ayaa ku dhaw in ku dhawyahay kooxda Man United (Mail).
Man ayaa doonaysa in ay 50 milyan ku iibiso daafaceeda Harry Maguire (Manchester Evening News).
Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Fiorentina iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sofyan Amrabat (Sky Germany).
Kooxda Al-Hilal ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Bernardo Silva (CBS Sports).
Romelu Lukaku ayaa diyaar u ah in uu diido ku soo laabashada Chelsea si uu ugu qasbao in uu ku biiro Inter (Sports Mole).
Xiddiga khadka dhexe ee Thiago ayaa dalab aan la diidi karin ka helay kooxda reer Turkey ee Galasaray (Mail).
Laakiin xiddiga ayaa ku adkaysanaya in uu doonayo sii joogista Anfield xilli ciyaareedka dambe (Echo).

Related



Source link