Arsenal iyo West Ham United ayaa ku adkeysanaya in heshiiska Declan Rice uu meel wanaagsan marayo.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa qarka u saaran inuu 105 milyan oo euro ugu biiro kooxda Arsenal todobaadkan.
Labada kooxood aaya qiimaha xiddiga ka heshiiyay todobaad ka hor laakiin ilaa haatan wali lama dhamaystirin heshiiska xiddiga.
Sky Sports ayaa sheegaysa in dib u dhacan uu sababay in ay West Ham Sugayso in ay Arsenal saxiixdo shuruudaha ugu dambeeya ee heshiiska.
Si kastaba ha ahaatee, ma jirto khatar ah in uu burburo heshiiska.
Sii Akhriso: XASAASI: Al-Shabab Oo Fariin U Dirtay Dadka Reer Laasacaanood
Related