Daafaca midig ee kooxda Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa tilmaamay waxa ay Reds u baahan tahay si ay ula tartanto Manchester City horyaalka Premier League.
Reds ayaa ku dhameysatay kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, iyagoo 22 dhibcood ka dambeeya Man City oo ku guuleysatay horyaalka.
“Waxaan u maleynayaa inay lagama maarmaan tahay in si run ah loo hadalo”Arnold ayaa u sheegay Sky Sports.
Waxa uu carabka ku adkeeyay, “Waan ixtiraameynaa tartan kasta oo aan ku ciyaareyno, laakiin haddii aad na weydiiso, ma kaalinta 5-aad ayaad doonaysaa, waxa aan odhan lahayn Maya”.
“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano Horyaalka, waxaan dooneynaa inaan tartamo, inaan ka qeyb galno tartanka loogu jiro ku guuleysiga horyaalka, iyo inaan u soo baxno Champions League”.
“Waan ognahay sida loogu guulaysto Premier League, waan ognahay sida loola tartamo Man City, waa inaan ku dhawaanaa dhamaadka xilli ciyaareedka”.
Related