Taageerayaasha Juventus ayaa laga soo duubay muuqaal iyagoo ka baryaya Dusan Vlahovic inuusan kooxda uga tagin Chelsea iyo Tottenham.
Vlahovic ayaa yaala suuqa kala iibsiga xagaaga xilli Juventus ay u baahan tahay in ay uruuriso lacago dhan 140 milyan euro.
Xiddiga reer Serbia ayaa lagu qiimeeyaa 80 milyan oo euro, waxaana la filayaa inuu baxo haddii dalabka saxda ah uu yimaado.
Markii Vlahovic uu yimid Turin maalintii ugu horeysay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka, taageerayaasha Juventus ayaa si diiran u soo dhaweeyay, waxayna ka baryeen inuusan bixin. “Mid naga mid ah” iyo “Ha bixin” waxaa ku dhawaaqay Juventini.
Vlahovic ayaa xiiso ka helaya kooxaha premier League oo kala ah chelsea iyo Tottenhamkuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarkooda.
Vlahovic ayaa Juventus yimid isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka sanadkii 2022 waxana uu kaga soo biiray kooxda Fiorentina.

Related



Source link