Xiddiga Romelu Lukaku ayaa diiday in uu soo xaadiro tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub xilli uu kooxda ku riixayo in uu qaab toos ah ugu biiro Inter Milan sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta Inter si ay ugala heshiiso saxiixa xiddiga Lukaku iyada oo haatanba Blues diiday dalab 23 milyan oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga.
Inter ayaa la filayaa in ay dalab cusub kula laabato chelsea iyada oo doonaysa in ay dhamaystirto xiddiga reer Belguim.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Lukaku ayaa markii hore doonayay in uu ku soo laabto Tababarka chelsea ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub laakiin waxa uu haatan ka laabtay go’aankaas.
Wararka ayaa sheegaya in uu Lukaku u sheegay chelsea in uuna ku soo laaban doonin tababarka isla markaas rajaynayo in ay kooxda chelsea heshiis la gaadho Inter si uu qaab toos ah ugu biiro horyaalka talyaaniga.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Diyaarad Ku Bur-Burtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho & Khasaaraha Ka Dhashay.

Related



Source link