Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton ee Moisés Caicedo ayaa afka furtay kana hadlay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Chelsea ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga Moisés Caicedo iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan khadka dhexe ee kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.
Moisés Caicedo ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Brighton iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo ay ka mid yihiin chelsea, Arsenal iyo Man United.
Xiddiga 21 jirka ah ee Moisés Caicedo ayaa wakhti hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea xilli ay Blues ku dhibaatoonayso in ay heshiis la gaadho Brighton.
“Chelsea waa koox aad u weyn – waa koox taariikhi ah, mana dhihi karo maya sababtoo ah waa koox aad u weyn, taariikhi ah, qurux badan. Magaaladu sidoo kale waa qurux!”, Moisés ayaa yidhi.
Related