Xiddiga Mason Mount ayaa isku diyaarinaya in uu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaro Kooxda Man United kulanka Arbacada ee ay la ciyaari doonaan Leeds United.
Xiddiga ayaa ka soo muuqday Liiska xiddigaha uu Tababare Ten Hag u qaatay magaalada Oslo halkaas oo ay kula ciyaari doonaan kooxda Leeds United.
Mount ayaa xagaagan ku soo biiray Man United iyada oo Red Devils 60 milyan ka soo bixisay xidiga si ay uga dhigto saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa xagaaga.
Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Lisandro Martinez ayaa sidoo kale ka mid ah Liiska kadib markii uu ka soo laabtay dhaawac uu muddo uga maqnaa kooxda sabab la xidhiidha dhaawac.
Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha United ee kulanka Leeds United:
Tom Heaton, Nathan Bishop, Matej Kovar; Alvaro Fernandez, Rhys Bennett, Will Fish, Marc Jurado, Lisandro Martinez, Raphael Varane, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams; Toby Collyer, Fred, Dan Gore, Hannibal Mejbri, Isak Hansen-Aaroen, Kobbie Mainoo, Mason Mount, Maxi Oyedele, Charlie Savage; Amad Diallo, Noam Emeran, Omari Forson, Joe Hugill, Jadon Sancho, Shola Shoretire
Related