Madaxwaynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay in ay jirto hal koox oo reer yurub ah kuwaas oo awood u leh in ay la saxiixdaan Victor Osimhen xagaagan.
Osimhen ayaa dhaliyay 31 gool xilli ciyaareedkii hore intii lagu jiray xilli ciyaareedkii hore isaga oo Napoli ku hogaamiyay ku guulaysiga horyaalka Talyaaniga taas oo diirada u saartay kooxaha reer yurub.
Kooxda Napoli ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga reer Nigeria kaas oo diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Napoli hadii uu helo dalab fiican.
Madaxweynaha Napoli ee De Laurentiis ayaa sheegay in kooxda PSG kaliya ay tahay kooxda awooda u leh saxiixa Weeraryahanka hadii ay lumiyaan Kylian Mbappe.
“Kooxda kaliya ee awoodi karta saxiixa Victor Osimhen waa Paris Saint-Germain,” ayuu u sheegay Mediaset.

Related



Source link