Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Casemiro ayaa gacantiisa u taagay kabtannimada kooxda.
Waxaa jira hadal heyn ku aadan in tababare Erik ten Hag uu calaamada kabtanimo ka qaadi doono kabtanka haatan ee Harry Maguire xilli ciyaareedkan.
Bruno Fernandes ayaa la filayaa inuu dhaxlo kabtanimada, si kastaba ha ahaatee Casemiro ayaa qirtay inuu sidoo kale u furan yahay inuu qaado masuuliyada.
Waxa uu u sheegay Goal: “Si daacad ah hadii aan u hadlo waxan jecelahay in aan noqdo kabtanka Man United”.
“Waxaan jeclahay inaan tusaale u noqdo, inaan noqdo qofka ugu horreeya ee tababarka qaata, dhammaan waan jeclahay”.
“calaamadda kabtanka ma ahan wax aan ka badnayn calaamad, laakiin ciyaartoyda noocan oo kale ah waa inay la hadlaan garsoorayaasha, tusaale u noqda, waan jeclahay.”
Related