Liverpool ayaa wadahadalo la taaban karo la yeelatay Romeo Lavia oo lagu qiimeeyo 50 milyan sida laga soo xigtay Sky Germany.
Reds ayaa sii wada dib u habeyntooda ugu weyn ee khadka dhexe, waxaana ay dareenkooda u jeediyeen saxiixa xiddiga kooxda Southampton ee Lavia.
Xiddiga 19 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday inkasta oo ay Southampton si weyn u dhibaatoonaysay.
Waxaa la sheegay in Liverpool ay wadahadalo la qaadatay ka hor inta ayna dalab 50 milyan ah ka gudbin saxiixiisa.
Wararka ayaa intaas ku daryaa in xiddiga da’yarka uu ogolaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool si uu ula shaqeeyo tabaabre Klop.
Sidoo kale Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si aad ah u doonaya in uu xiddiga kula shaqeeyo kooxdiisa xilli ciyaareedka soo socda.
Sii Akhriso: XASAASI: Calaamad Muujinaysa In Ay Al-Shabaab La Wareegtay Laasacaanood Oo La Helay.

Related



Source link