Man United ayaa u baahan in ay bixiso lacagta 51 milyan ee ay Inter doonayso hadii ay rabaan saxixia Andre Onana iyada oo kooxda reer Italy kor u qaaday qiimohooda kadib markii uu David De Gea ka tagay Old Trafford.
Goolhaye David De Gea ayaa sabtidii xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda Old Trafford.
Inkasta oo uu De Gea xor yahay hadana waxa uu u furanyahay in uu in uu wadahadalo la galo United si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.
United ayaa doonaysa Saxiixa Onana iyaga oo sidoo kale doonayay in ay sii haystaan De Gea laakiin xaqiijintii De Gea ee ka tagista United ayaa xaalada ku xumeeyay Man United iyada oo Inter badashay qiimaha ay ku doonayso Goolhayaha.
Inter ayaa markii hore doonaysay in ay ku iibiso xiddiga 44 milyan oo euro waxana ay United ka diideen dalab 38 milyan ah.
Laakiin Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Inter haatan doonayso in ay kor u qaado qiimaha waxana ay doonaysaa in ay ku iibiso Onana lacag dhan 50 milyan oo euro maadama uu David De Gea ka tagay kooxda.
Related