Xiddiga khadka dexe ee kooxda Liverpool ee Fabinho ayaa sheegay in ay kooxdiisu u baahantahay ugu yaraan 6 xiddig oo cusub.
Klopp ayaa isku shaandhayn ku wada kooxdiisa gaar ahaan khadka dhexe iyada oo kooxdu doonayso in ay dib u dhisto kooxda.
Xiddigaha Alexis Mac Allister & Dominik Szoboszolai ayaa badalay xiddigaha James Milner, Naby Keita & Alex Oxlade-Chamberlain.
“Waxan luminay 3 xiddig oo khadka dhexe ah oo muhiim u ahaa kooxda 5 ilaa 6-dii sano ee la soo dhaafay”ayuu Fabinho yidhi.
“Waa wax fiican in xiddigo cusub la keeno kooxda sababta oo ah aad ayaan ugu baahanahay, marka la eego sida aan u ciyaarno”.
“Kaliya uma baahnin 3 xiddig oo khadka dhexe ah laakiin waxa aan u baahanahay ilaa 6 xiddig oo khadka dhexe ah”.
Sii Akhriso: Ku Dhawaad 40 Ka Tirsan Dagaalyahanada Al-Shabaab Oo Lagu Dilay Hawlgalo Laga Fuliyay Gobolka Jubbada Hoose

Related



Source link