Alan Smith ayaa magacaabay lix ciyaaryahan oo ay tahay inay ka tagaan Arsenal xagaagan, waxaana ku jira saxiixii rikoorka ahaa ee Gunners Nicolas Pepe.
Iyadoo Mikel Arteta uu u muuqdo inuu xoojiyo kooxdiisa xagaagan – isagoo keenaya xiddigo ay ka mid yihiin Kai Havertz, Declan Rice iyo Jurrien Timber – wuxuu sidoo kale doonayaa inuu kooxda ka diro ciyaartoy aan loo baahnayn.
Kooxda Arsenal ayaa isha ku haysa in ay sii wado xoojinta kooxda si ay ula tartanto kooxda Man City tartanka horyaalka premier League.
Weeraryahankii hore ee Arsenal Smith ayaa sheegay in ay Arsenal faa’iido u tahay in in ay iska dirto dhawr xiddig oo uu ugu horeeyo xiddiga Folarin Balogun oo xiiso ka helaya kooxo badan.
“Way adag tahay sababtoo ah hadda waxa uu hoos uga sii dhacayaan booska gaar ahaan markii uu yimid Havertz”ayuu Smith yidhi.
“Waxa ay u badantahay in uu aad uga dambeeyo Nketiah inkasta oo ay isku qaab u ciyaaraan waxana aan qabaa in ay kooxdu aamintahay uu Nketiah ka fiicanyahay”.
“Nicolas Pepe waxa uu ka mid yahay xiddigaha ay tahay in la iska fasaxo sababta oo ah waxa uu si weyn ugu fashilmay in uu is muujiyo”.
Sidoo kale kooxdu waa in ay iska dirto xiddigaha ay ka midka yihiin Tavares, Lokonga, Rob Holding Iyo Kieran Tierney”ayuu sii raaciyay.
Related