Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa fure u noqon kara Arsenal inay dhamaystirto saxiix kale oo cajiib ah xagaagan.
Arsenal aay ka mid tahay kooxaha Premier League ugu firfircoon ilaa hadda suuqa xagaaga.
Kai Havertz ayaa horay ugu biiray kooxda Arsenal iyada oo ay kooxdu haatan ku dhawdahay saxiixa kabtanka West Ham Declan Rice iyo difaaca Ajax Jurrien Timber.
Waxa laga yaabaa in ay saxiixyo kale samayso kooxdu iyaga oo doonaya in ay ku tartamaan ku guulaysiga horyaalka premier league xilli ciyaareedka dambe.
Arsenal ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa garabka Bayer Leverkusen Moussa Diaby kaas oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxaha Man United iyo Newcastle United.
Laakiin u dhaqaaqista Diaby ayaa ku xirnaan karta in Leverkusen ay la soo wareegto badalka xiddiga reer France ka hor inta uuna suuqa xidhmin.
Ancelotti ayaa Arsenal ka caawin kara saxiixa Diaby Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Spain, Real Madrid ayaa ka fiirsaneysa inay amaah ku siiso Leverkusen xiddiga Arda Guler.
xiddiga 18 jirka ah oo lagu naanagso “Turkish Messi” ayaa ku soo biiray kooxda Real Madrid todobaadkii hore.
Related