Walaalka La Dhashay Jurriën Timber ayaa haatanba xaqiijiyay ku biirista kooxda Arsenal xilli ay Arsenal isku diyaarinayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga.
Xiddiga Jurriën Timber ayaa tijaabada caafimaadka Arsenal ku baasay waxana ay kooxdu haatan diyaarinaysaa in ay ku dhawaaqdo heshiiska.
Arsenal ayaa kooxda Ajax Todobaadkii kala heshiisay qiimaha xiddiga waxana ay kooxdu ka dhigaysaa daafaceeda cusub xilli ciyaareedka dambe.
Walaalka la dhashay Jurriën Timber ayaa Instagram-ka soo dhigay sawir xiddiga Jurriën Timber oo xidhan maaliyad akooxda Arsenal.
Sidoo kale Waxa uu sawirka ku qoray “Xaflada macasalaamaynta Jurriën Timber, waxa aan isku arki doonaa wadooyinka London”.
Xiddig ayaa heshiis 5 sano ah u saxiixay kooxda Arsenal waxana uu ka mid noqdon doonaa saxiixyada iyo dib u dhiska kooxda.
Related