Xiddigii hore khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Granit Xhaka Ayaa sheegay in sababtii uu uga tagay Arsenal uguna biiray Bayer Leverkusen ay tahay in uu raadsado tartan cusub.
Granit Xhak ayaa 25 milyan oo euro ugu biiray kooxda Bayer todobaadkan.
“Waxaa meel walba ka jiray warar sheegaya in xaaskeyga aysan ku faraxsanayn England laakiin taasi run ma ahan”ayuu Xhaka yidhi.
“Xaqiiqdu waxay tahay in qof ahaan aan had iyo jeer xiiseeyo tartan cusub”.
“Kadib 7 sano oo aan joogay Arsenal waxa aan donayay wax cusub iyo horyaal cusub waxana aan dareemay in uu mashruuca Leverkusen yahay mid ay tahay in aan tijaabiyo”.
Xhaka ayaa muhiim ka ahaa kooxda Arsenal xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu kooxda ka caawiyay in ay u tartamaan horyaalka

Related



Source link