Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay Inter Milan ka diiday dalab 26 milyan ah oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararku.
Chelsea ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga Romelu Lukaku inta lagu jiro suuqa xagaagan laakiin waxa ay diiday qiimaha Inter.
Blues ayaa doonaysa in ay Romelu Lukaku ku iibiso 38 milyan oo euro taas oo la macno ah in qiimha Inter aad uga hooseeyo lacagta ay chelsea doonayso.
Romelu Lukaku ayaa amaah ku qaatay Inter xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu ku soo bandhigay qaab ciyaareed fiican taas oo Inter ku qancisay in ay qaabtoos ah ula wareegto.
Lukaku oo dhinaca kale xiiso ka helaya kooxaha horyaalka sucuudiga ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda chelsea inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagagaan.

Related



Source link