Arsenal ayaa dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto Ivan Fresneda, sida ay wararku sheegayaan.
Gunners ayaa xiisaynaysay da’yarka daafaca dambeedka midig suuqii January laakiin waxa ay diirada saartay bartilmaameedyada kale xagaagan.
Laakiin wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegtay in ay Arsenal dib u bilowday dadaalada ay ku doonayso saxiixa daafaca kooxda Real Valladolid.
Kooxda Real Valladolid ayaa xiddiga Ivan Fresneda ku qiimaysa lacag dhan 10 milyan oo euro iyo 5 milyan oo Gunooyin ah.
Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa tartan adag kala kulmi doonta kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo.

Related



Source link