Todobaad mashquul badan ayaa la filayaa iyada oo ay kooxo badan isku diyaarinayaan in ay dhamaystiraan saxiixyo badan.
Kooxaha ayaa bilaabay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, maamulka sare ayaana dareemaya cadaadiska tababarayaasha kuwaas oo doonaya in horay loo dhamaystiro saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.
Waxa aan haatan aragnay saxiixyo badan oo dhacay iyada oo ay kooxo badan dhamaystireen saxiixyo waaweyn kana mid yahay heshiiskii uu Jude Bellingham ugu biiray Real iyo Heshiiskii uu Havertz ugu biiray Arsenal.
Toodbaadkan sidoo kale waxa la dhamaystiray heshiiska uu Mount ugu biiray Man United iyo Heshiiskii uu Dominik Szoboszlai ugu biiray Liverpool.
Waxa mar kale la filayaa maalmaha ama saacadaha soo socda in la dhamaystiro heshiisyo waaweyn waxana aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada lagu dhawaaqi karo saacaha soo socda.
Declan Rice:
Sheekadii suuqa kala iibsiga ee ugu waynayd ee Premier League xagaaga ayaa la dhamaystiri doonaa todobaadkan kadib markii ay kooxaha West Ham iyo Arsenal heshiis ka gaadheen saxiixa.
24-sano jirkaan khadka dhexe ayaa ku biiray 105 milyan ugu biiraya Arsenal waxana lagu dhawaaqi doonaa wakhti aad u dhaw.
Jurrien Timber:
Arsenal ayaa sii wadi doonta dar-darta waxana ay dhamaystiro doontaa saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Jurrien Timber Kaas oo Gunners ka bixinayso 38.5 milyan euro.
Kim Min-jae:
Kim Min-jae ayaa lagu wadaa in loo soo bandhigo isaga oo ah xiddig bayern Munich ah iyada oo xiddigu ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Bayern Munich.
Daafaca dhexe ayaa wakhti hore ku baasay tijaabada caafimaadka waxana uu qalinka ku duugi doonaa heshiis 5 sano ah.
Andre Onana:
Kooxda Mna United ayaa horumar ka samaysay saxiixa xiddiga Erik ten Hag waxana la filayaa in ay kooxdu saacadaha soo socda kala heshiiso Inter Milan si ay u dhamaystirto xiddiga 27 jirka ah.
Christian Pulisic (Ac Milan).
Sii Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Jigjiga Oo La Ogaaday.

Related



Source link