Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday inuusan garaneynin sababihii uu Mason Mount u doonayay inuu uga tago Chelsea kuna biiro Manchester United.
Horaantii isbuucaan, Mount waxa uu dhameystiray 60 milyan oo uu ugu biiray kooxda Man United isaga oo isaga tagay Chelsea kadib 18 sano oo uu xidhnaa maaliyada chelsea.
Xilli ay Blues doonaysay in ay iska iibiso xiddigo badan suuqa xagaaga, Mount ayaa ka mid ahaa xiddigaha ay doonaysay in ay sii haysato xiddiga marka la eego saamaynta uu ku yeeshay kooxda.
Laakiin xiddiga khadka dhexe ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda isaga oo doortay ku biirista kooxda Man United.
Lama oga ilaa inta ay imaatinka tababare Pochettino ku yeelatay bixitaanka xiddiga laakiin Tababaraha reer Argentine ayaa markii ugu dambaysay ka hadlay xiddiga ka tagay kooxda.
“Marka aan ka hadlay mustaqbalka, waxa ay ku saabsantahay xiddigaha kooxda”ayuu yidhi tababarihii hore yidhi markii la waydiiyay hadii uu jeclaan lahaa in uu Mount sii sii joogi lahaa kooxda.
“Mount haatan waa xiddig Man United, mar garanayo wixii dhacay mustaqbalka, kaliya haatan waxa aan u baahanahay in aanu diirada saaro xiddigaha kooxda haatan jooga”.
Sii Akhriso: Ciidamada Dabdemiska Somaliland Oo Gurmad U Fidiyay Dab Weyn Oo Ka Kacay Magaalada Jigjiga

Related



Source link