Kooxda Man United ayaa qorshaynaysa in ay iska iibiso xiddigo badan si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxdeeda suuqa xagaaga.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, ilaa 12 xiddig ayaa ka mid ah xiddigaha ay kooxdu suuqa dhigtay.
Wararka ayaa sheegaya in 4-ta xiddig ee ay lacagta badan ku iibin karto ay yihiin Jadon Sancho, Harry Maguire, Anthony Martial & Scott McTominay.
United aya Mason Mount kula soo saxiixatay 60 milyan waxana ay rajaynaysaa in ay 50 milyan kula soo saxiixato Goolhaye Andre Onana.
Laakiin United marka hore waa in ay buuxiso xeerka dhaqaale wanaaga ka hor inta ayna lacag suuqa galin.
United ayaa u baahan weeraryahan cusub iyo Goolhaye si ay kooxda uga dhigto kuwo ku tartamaya horyaalka premier League xilli ciyaareedka.
Sii Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Jigjiga Oo La Ogaaday.
Related