Kooxda Man United ayaa dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atalanta ee Rasmus Højlund sida ay sheegayaan wararku.
Saxafiga Pedro Almeida ayaa sheegaya in ay Man United dalab Cusub ka gudbisay weeraryahanka aadka loo qiimeeyo iyada oo Ten Hag doonayo saxiixa xiddiga.
Saxafiga ayaa sheegaya in ay Man United miiska saartay lacag dhan 38 milyan oo euro iyo waliba lacago gunooyin ah.
Man United ayaa Rasmus Højlund ka dhigtay bartilmaameedka 1-aad ee dy doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarka iyada oo Ten Hag doonayo in uu helo weeraryahan la isku halayn karo.
Atalanta ayaa haatan la sugayaa waxa ay samayso kadib markii ay Man United miiska saartay dalabka ay ku doonayso xiddiga reer Denmark ee aadka loo qiimeeyo.
Sii Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Jigjiga Oo La Ogaaday.

Related



Source link