Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in xiddiga Jadon Sancho doonayso in ay ka qayb dhigto heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham Harry Kane inta lagu jiro suuqa xagaagan.
Kane ayaa xagaagan oo dhan ahaa bartilmaameedka 1-aad ee Man United laakiin ilaa haatan wax tallaabo dhab ah uma qaadin saxiixiisa maadama ay ku mashquulsanayd saxiixa Mason Mount.
Man United ayaa haatan doonaysa in ay u dhaqaaqo saxiixa xiddiga reer England waxana ay dajiyeen qorshaha ay doonayaan in ay kula soo wareegaan xiddiga.
Sida laga soo xigtay he Independent, kooxda Man United ayaa bilaabaysa dadaalada ay doonayso in ay saxiixa xiddiga ugu garaacdo kooxda Bayern Munihc.
Sidaas darteed Man United ayaa doonaysa in ay Sancho u soo bandhigto kooxda Tottenham si uu uga qayb ahaado saxiixa ay ku doonayso xiddiga Harry Kane.
Tottenham ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga Sancho waxana ay xitaa xagagan Man United wax ka waydiisay helitaankiisa.
Sii Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Jigjiga Oo La Ogaaday.

Related



Source link