Mason Mount ayaa la siiyay Lambarka caanka ah ee No.7 laakiin waxa uu saxiixa cusub ee Red Devils sheegay in uu jecelyahay ka ciyaarista No.8.
Arbacadii Mount ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee Man United suuqa xagaaga iyada oo kooxdu kala soo wareegtay xiddiga Kooxda chelsea kadib markii ay ka bixisay 60 milyan oo euro.
Xiddiga reer England ayaa haatan isku diyaarinaya ka qayb qaadashada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxana uu tababarihiisa cusub u sheegay booska uu jecelyahay in uu ka ciyaaro.
“Ma sugi karo in aan bilaabo shaqada oo aan la fadhiisto tababaraha si aan u fahmo sida uu u shaqeeyo”ayuu Mount yidhi.
“Mar walba waxa aan jecelahay in aan ka ciyaaro No.8 sidoo kale waxa aan jecelahay in aan horay u socdo oo aan aado weerarka si aan u sameeyo fursado sidoo kale aan u dhaliyo goolal”ayuu sii raaciyay.
“Sidoo kale waxa aan jecelahay in aan difaaco oo aan caawiyo kooxda marka ay cadaadiska saaran yihiin waxana aan ogahay waxa aan kooxda ku soo kordhin karo”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Xafiiska Xeer Ilaaliyah Guud Oo Shaaciyay Magacyada Masuliyiin Dawladeed Oo Baxsad Ka Ah Cadaalada.
Related