Halyeeyga reer Germany ee Bastian Schweinsteiger ayaa aaminsan in uu Pep Guardiola sabab u yahay hoos u dhaca xulka qaranka Germany.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Jarmalka ayaa u sheegay talkSPORT in Jarmalku uu lumiyay qiimihiisa sababtoo ah tababaraha reer Spain.
“Markii uu Pep Guardiola ku biiray Bayern Munich, markii uu dalka yimid, qof walba waxa uu rumaysnaa in aanu ciyaarno kubbadda cagta noocan oo kale ah, sida baasas gaagaaban iyo wax kasta, waxa aanu ahayn mid luminay qiyamkayaga” ayuu yidhi Schweinsteiger.
“Waxan u malaynayaa in dalalka kale ay Germany u arkaan dagaalyahan, waan ordi karnaa ilaa dhamaadka iyo wax walba. Awoodaha ayaa lumay todobadii sano ee la soo dhaafay, waanu ilownay taas waxana aan diirada saarnay in aan si fiican u ciyaarno, Taasi waa mid ka mid ah sababaha”.
Waqtigaas, Joachim Low wuxuu ahaa tababaraha Germany waxana uu xulka ku hogaamiyay ku guulaysiga koobkii adduunka 2014 iyada oo Schweinsteiger uu qayb muhiim ah ka qaatay guusha.
Si kasta ha ahaatee qaab ciyaareedka Germany ee tartamada waaweyn ayaa ahaa mid niyad jab leh tan iyo wakhtigaas waxana ay gaadheen Semi-final-ka euro 2016 tan iyo wakhtigaas.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Xafiiska Xeer Ilaaliyah Guud Oo Shaaciyay Magacyada Masuliyiin Dawladeed Oo Baxsad Ka Ah Cadaalada.
Related