Arsenal ayaa lagu booriyay inay hal saxiix oo kale sameyso xagaagan, inkastoo heshiisyada Declan Rice iyo Jurrien Timber lagu dhawaaqi karo wakhtiga soo socda.
Gunners ayaa ilaa haatan suuqa galisay lacag dhan 200 milyan oo euro iyada oo ku dhaw saxiixyada xiddigaha Rice iyo Timber halka ay horay ugu dhawaaqeen saxiixa Kai Havertz.
Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa u sheegay Gunners in ay samayso hal saxiix oo cusub siina wadaan kharash garaynta suuqa kala iibsiga xagaaga.
Rio Ferdinand ayaa u sheegay Arsenal in ay sameeyaan saxiix cusub oo dhinaca weerarka ah kaas oo culayska ka dul qaadi kara xiddiga Bukayo Saka xilli ciyaareedka dambe.
“Waxan qabaa in ay u baahanyihiin hal saxiix oo kale, xiddig weerar ka ciyaara si ay u xoojiyaan dhamaan boosaska iyo garabka”ayuu Rio Ferdinand yidhi.
“Waxa ay Arsenal u baahantahay xiddig ka ciyaara garabka weerarka si ay culayska uga dul qaadaan xiddiga Bukayo Saka xilli ciyaareedka dambe”.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Xafiiska Xeer Ilaaliyah Guud Oo Shaaciyay Magacyada Masuliyiin Dawladeed Oo Baxsad Ka Ah Cadaalada.

Related



Source link